Uncategorized

Mareykanka oo Sheegay In Saraakiil Shabaab Ah uu Duqeyn ku Dilay.

Muqdisho-KNN= War Qoraal ah oo ka soo baxay Saraakiisha militariga Dowlada Mareykanka  ayaa faah faahin looga bixiyay  Duqeyn ay Diyaaradaha dagaal ee dowladaasi ay ka fuliyeen Deegaan u dhaw Degmada Jilib ee G/Jubada Hoose.

Warkan oo si gaar ah uga soo baxay taliska Ciidmaada Mareykan ee Africa oo AFRICOM loo yaqaano ayaa lagu xusay in ay duqeynta ku dileen sadex Sarkaal oo Shabaab ahaa sidoo kalena waxaa ay ku cadeeyeen qoraalkooda in aysan Duqeynta Diyaaradeed ee ay fuliyeen waxba ku noqon dad shacab ah.

“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen Ciidamadeen ayaa waxa ay Duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jillib, waxayna ku dileen Saddex Argagixisada ka tirsanaa, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya waxaa uu ka  fuliyaa Duqeymo uu  la eegato fariisimo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.