Uncategorized

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya uu ka Gacansiin doono Dhanka Milatariga

Military-ga Wadanka Mareeykanka ayaa sheegay in uu Diyaar u yahy in uu kordhiyo Taageeradda uu siiyo Dowladda Soomaaliya, kadib Qaraxii Muqdisho ka dhacay ee Galaaftay nolosha dad ka badan 300 oo ruux Dhaacna gaarsiiyay in ka badan 430 kae.

“Waxaan Diyaar u nahay in aan taageermo dowladda Soomaaliya markii ay na weeydiisato, waxaan Qorsheeyneeysa waxa aan siin karno” ayuu yiri Afayeenka Pantigonka Mareeykanka.

Mareeykanka ayaa hadda waxaa Soomaaliya uga sugan Ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari kuwaas oo talooyin iyo Tababar siinaya Military-ga Soomaaliya iyo sidoo kale tageero Saanandeed.

Sidoo kale mareeykanku waxaa uu dowadda ka taageeraa Dagaalka ay ku jirto Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay Kadambeeyeen Masuuliyadda Xasuuqii Soobe.

Afayeenka u hadlay military-ga Mareeykanka ayaa sheegay in Dowadda Soomaaliya ka gacansiinayaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Ma uusan sheegin Nuuca taageero ay u Diyaariyeen in Dowladda ay Soomaaliya ku garab Istaagaan laakiin waxaa uu sheegay in hadda Wadaan Qorsha Nuuca ay Noqoneeyso Taagerradda ay Soomaliya Siinayaan.

Hadalka uu soo saaray Military-ga Mareeykanka ayaa waxaa uu kus oo aadayaa iyadoo Midowga Africa uu bulshadda Caalamka u gudbiyay Codsi Balaaran oo uu ku dalbanayo Dowladda Soomaaliya aga Gacansiiyo Dagaalka ay kula jirto All-shabaab.