Somali News

Mareykanka oo sheegay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku dileen Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee la yiraahdo Africom  ayaa waxaa  lagu sheegay in duqeyn ay ku  dileen dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa Si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka, waxaa uuna  ka dhacay meel u dhow Deegaanka Mubaarak  ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in weerarka lagu  bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab, halkaas oo ay ku dileen labo dagaalame ,halka mid kalena ay ku dhaawaceen.

Mareykanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay Duqeymaha uu ka fulinayo gudaha Soomaaliya, ee uu la beegsanayo saldhigayada Shabaab  ay ku leeyihiin  Gobolada dalka.