Somali News

Mareykanka oo sheegay in xubno shabaab ah ay ku dileen Shabeellada Hoose

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa qoraal ku sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Africom ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 5-tii  Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose,islamarkaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warka qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha dhinaca Ammaanka u qaabilsan Afrikom Qaarada  Afrika Maj. Gen. Gregg Olson.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobalada Dalka oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.