Somali News

Mareykanka oo sheegay inay dhameystireen ka bixitaanka ciidamadoodii Soomaaliya.

20ka Janaayo oo maalin kaliya ka harsantahay waa maalinta xilka Madaxtinimo ee Mareykanka loo caleema saari doono Madaxweyne Joe Biden, Maamulkiisa cusub ayay Warbaahinta Mareykanka tilmaameen inuu isbadal kusamayn doono Siyaasadii Trump ee gabi ahaan ciidamada Mareykanka looga saarayay Somalia waxaana la filayaa inuu kusii hayn Doono Saldhigyada ay kuleeyihiin dalka.

Sarkaal diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay jariidada Foriyan Policy in kabixitaanka ciidamada Mareykanka ee Somalia uusii socon doono hadii ay dhameystirmaan xitaa waxa uu maamulka qorshihiisu yahay in si deg deg ciidamada loogu celiyo saldhigyadooda si looga fogaado ayuu yiri in Somalia markalae gacanta ugasho al shabab kaliya aan khatar ku ahayn Soomaalida balse handadi doonto ajaanibta gobolka kusugan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Somalia xiligaan aysan jirin wx ay kaga baahi badantahay in Ciidamada Mareykanka kusugnaadan Somalia hadii ay kabaxaana ay dhulal horey looga qabsaday Al shabab ay kusoo rogaal celin doonaan.

Sarkaalkaan ayaa xusay in Ciidamadaan oo lageeyo wadamada dariska sida Jabuti iyo Kenya aysan noqon doonin mid ku filan ka hortaga hanjabadaaha ka imaanaya Al shabab.

Maamulka Trump ee xilka ka degaya ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii sanadkii tagay in ciidamada Mareykanka ee daafaha caalamka ka jooga ay dalkoodi ku laabanayaan gaar ahaan kuwa iraq, afgaanistan iyo Somalia.