Somali News

Mareykanka oo sheegay inay markabkii 4-aad Iran ka qabteen

Washington-KNN-Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa baddu qabteeb markabkii 4-aad oo Iran laga leeyahay oo shidaal u siday dalka Funusweela.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadooda jooga biyaha caalamiga ah ay muddo todobaad ah ku qabteen maraakiin Iran laga leeyahay oo si sharci darro ah shidaal ugu waday dalka Funusweela oo cunaqabatayni saarantahay.

Dowladda Iran kama ay hadlin maraakiibtaan Mareykaku sheegtay inay Iran ka qabteen.

Dhanka kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa diiday meel marinta qaraar Mareykanku u gudbiyay oo dhigayan in cunaqabataynta dhaqaale lagu kordhiyo dalka Iran.