Somali News

Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay hub ay leedahay Iiraan

Militariga Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay dalka Suuriya, isaga oo sheegay in uu burburiyay saldhigyo hubka lagu keydiyo oo ay leedahay dowladda Iiraan.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqeynta ay ku dhaceen goobo lagu keydiyo hubka iyo rasaasta ay isticmaalaan ciidamada Iran.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhaw magaalada Abu Kamaal ee ku taal xadka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo isticmaalayay saanado sax ah.

Ilaa hadda lama oga in uu jiro khasaare ka dhashay weeraradaasi.