Uncategorized

Mareykanka oo sheegay inuu kenya ka garabsiinayo la dagaalanka Al-shabaab.

Nairobi-KNN-Xoghayaha arimaha dibada mareykan Rex Tillerson oo ku sugan dalka Kenya kuna guda jira booqasho uu ku marayo dhowr wadan oo Afrika ah  ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ay Kenya kula jirto dagalaamayaasha Al-shabaab.

Tillerson ayaa mar uu saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi waxaa uu sheegayy in waxyaabaha uu uhuru kenyata madaxweynaha Kenya uu kala hadlay ay kamid tahay arimaha amniga.

“Madaxweynaha Kenya uhuru waxaan kala hadlay dhanka amniga , gaar ahaan howlgalka aan ugu magacdarnay cirib tirka argegixisada” ayuu yiri Tellerson.

Xoghaya arimaha dibada mareykan ayaa intaa ku daray in mareykanka uu Kenya garab ka siinayo la dagaalanka Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga gobolka .

Waxaa kale oo uu sheegay  in uu bogaadinayo 4000 askari ee dowlada Kenya kaga sugan Soomaaliya qeybtana ka ah howlgalka midowga Afrika ee Amisom.

Al-shabaab ayaa gudaha Kenya ka geysta weerao ay dad ku dhintaan , waxaana dowlada wadankaasi ay sheegtaa in ay ku dedaleyso xaqiijinta amniga dalkeeda.

Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya waxaa uu ka caawiyaa la dagaalanka Al-shabaab iyadoo diyaaradaha dagaalka ee mareykanka ay duqeymo la eegtaan meelaha ay shabaab kaga sugan yihiin dalka ,