Somali News

Mareykanka oo sheegay lacagta Soomaaliya kaga baxda in aysan yeelan natiijo.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo celinta ammaanka Soomaaliya kaligeed ku bixisay $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, Cherith Chalet, ayaa timaamtay  in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba yaraatee isu dhigmin.

“Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Alshabab,” ayuu tidhi Cherith Chalet.

Maraykanka waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay lacagaha canshuuraha lasiiyo Alshabaab, isagooo tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, sheegayna in dhaqalaha weerarkaas lagu abaabulay uu yahay canshuurka Shabaab ay ka qaadaan xarumaha ganacsiga.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wada tababarada ciidamada Soomaaliya iyo howlgalada duqeymo cirka ah. Sanadkaan 2020, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadday 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo qatarta Al-Shabaab.

Mareykanka, ayaa qorsheynaya inuu xalliyo istiraatiijiyadooda lagu xoojinayo Soomaaliya, isagoo adeegsandoona wadiiqooyin kale.