Somali News

Mareykanka oo sheegey in uu Duqayn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in 52 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay ka dib markii Ciidanka Mareykanka ay ku qaadeen duqeyn Jawaab u aheyd weerarkii ay shalay kusoo qaadeen Al-shabaab degaanka Baar Saguuni.

Taliska ayaa sheegay in jiraan tiro intaasi ka badan oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeyntii, Maadaama xilli ay saarnaayeen Gawaari la beegsaday.

Sidoo kale taliska Africom ayaa sheegay in dhammaan howlgalladaasi ay ka qeyb qaateen Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.