Somali News

Mareykanka oo soo bandhigay sawirro muujinaya meesha uu ka yimid weerarkii lagu qaaday warshadaha sucuudiga.

Mareykanka ayaa soo saaray sawirro lagu qaaday dayax gacmeedka oo uu taagerayoo eediihii ahayd in Dowladda Iran ay ka dambeysay weearakii Sabtigii lagu qaaday warshadaha Saliida Sucuudiga.

Iran aya beenisay in ay weerarka ku lug lahayd, hase ahaatee ururka xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Saraakiil aan la magacaabin oo la hadlay warbhinta mareykanka iyo Kuwa caalamiga aha ayaa sheegay in jahada ay ka yimaadeen aaladaha weerarka loo isticmaalay iyo xaddigooduba ay shaki gelinayaan ku lugnahaanshaha xuutiyiinta.

Dhacdadaasi waxaa ay yareysay 5% saliida calamka, qiimuhuna waa uu kordhay.

Saraakiisha Mareykanka ah ee magacooda qariyay ayaa New York Times, ABC iyo Reuters u sheegay in marka loo eego sawiradda Dayax-gacmeedka lagu qaaday jahadda weerarku ay tahay Woqooyiga Gacanka oo ah Iran iyo Ciraaq.