Muqdisho-KNN-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo soo saaray qoraal dheer oo uu uga kadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanku ay kaalin mug leh ka qaadan doonto waxbarashadda reer miyiga Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in iyaga oo adeegsanaya Hey’adda Mareykanka u qaabilsan tageradda dibadda ee (US aid) ay taageeri doonaan waxbarashadda 20,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ee ka mid ah ku dhawaad 100 bulshadda reer miyiga ah.
Mareykanku wuxuu taageeradaan ugu talo-galay dadka ay abaaruhu sida daran usaameeyeen islamarkaana aan fursad u helin in ay wax bartaan.
Barnaamijka taageeradda waxbarashadda ee “US aid” waxaa uu sidoo kale gacan ka geysan doonaa in la dayac tiro 192 fasal iyo tababarka 450 macalimiin ah iyadoo sidoo kale loo qaybin doono 18,000 oo buugaag ah.