Xogayaha Umuuraha Dibadda Mareeykanka Rex Tellerson oo lagu wado inuu booqdo markiisii ugu horeeysay qaaradda afrika ayaa kahor Safarkiisan waxa uu magaalada Washington kaga dhawaaqay in mareeykanka uu ku yaboohayo lacag dhan $533Million oo ey ugu talagaleen Afrika gaar ahaan wadamada Nigeria, Ethopia, Koofurt Suudaan, Somalia Iyo Wadamada dhaca harada chad.
Wadamadan uu sheegay mareeykanku inuu lacagtan ugu talagaly ayaa dhamaantood waxaa jira colaado iyo Abaaro isbiirsaday kuwaa oo keenay xaalado aadanimo oo ba’an.
Lacagtan ayaa la sheegay in $128Million oo kamid ah waxa looga qabandono abaaraha iyo colaadaha ka jira wadamada ku teedsan Harada Chad iyo Nigeria.
$184Millionna waxaa la sheegay in ey la gaarsiin doono dalka Koofurta Suudaan, Halka $110Million oo kamid ahna Ethopia oo xasarado ka taaganyihiin lageeyn doono.
Soomaaliya waxaa la xusay in $110Million loogu talagalay si loo wajaho loogana adkaado dhibaatooyinka Amni iyo kuwo dhaqaale ee heesata shacab badan oo soomaaliyeed.
Qaaradda Afrika ayaa waxaa soo laalaabtay abaaraha galaafta dad iyo duunyadaba taa oo la sababeeynayo Isbadalka cimilada aduunka ee sii xoogeeysanaya.
Soomaaliya oo kamid ah wadamada lacagtan loogu deeqay ayaa dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafay waxaa isaga soo daba laa laabtay abaaro baahsan oo dhibaato ba’an dhaxalsiiyay Umadda Soomaliyeed.