Somali News

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose.

Muqdisho-KNN-Taliska Mareykanka ee Qaradda Africa ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ku dilay duqayn ka dhacday gaobolka Juabadda Hoose kadib markii ay weerareen gaaf-wareeg ay samaynayeen ciidanka Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya.

War saxaafadeed uu talisku faafiyay ayuu ku sheegay in aysan duqayntooda ku dhiman dad shacab ah, sida ay muujinayso qiimeynta uu talisku sameeyay.

“inagoo kaashanayna Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa waxa uu duqeeyay Al-shabaab kadib markii ay w eerareen gaaf-wareeg ay ciidanka Soomaaliya ka samaynayeen woqooyi-galbeed magaaladda Kismayo, 17kii September” ayaa ku qoran Warka uu Taliska AFRICOM.

Maraykanka ayaa joogteeyay duqaymaha uu ka geysanayo Soomaaliya e uu la beegsanayo Al-shabaab iyo Daacish waxaana duqaymihiisu ay waxyeelo daran gaarsiiyeen Al-shabaab.

Saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhintay duqaymaha Mareykanka. Sadaxdii sano ee u dambeysayna waxa isoo tarayay tiradda weeradda cirka ee Mareykanku uu Soomaaliya ka geysto.

Sanadkii lasoo daafay ku dhawaad 50 duqaymood ayuu Mareykanku la beegsaday Al-shabaab io Daacish.