Somali News

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo  ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa looga hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada DANAB ay 19- Bishaan Janaayo ay duqeyn dhinaca cirka ah ka degmada Bangeeni ee gobolka Jubbada hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Saddex xubnoon oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana u jeedkiisu uu ahaa inay uga hortagaan weerarada ay markasta Shacabka la beegsadaan Al-Shabaab,