Somali News

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn lagu dilay Xubno Shabaab ah

Muqdisho-KNN-Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa aya waxaa uu sheegay inn uu duqayn ku dilay Dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab kadib markii Axaddii lasoo lasoo dhaafay ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn weerar ku qaadeen Deegaan lagu magacabo Dheeroow Sanle oo shabeelaha hoose ka tirsan.

Duqaynta oo dhacday Axaddii ayaa mareeykanku waxaa uu sheegay in uu ku taageerayay Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya oo wadda Dadaalo lagu ciribirayo Al-shabaab.

Military-ga Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa waxaa uu si joogto ah u beegsadaa Dagaalamayaasha Al-shabaab ee koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana taasi ay sababtay hoos u dhac ku yimid howlgaladda Al-shabaab, sida uu talisku shegay.

Duqayntaan u dambeysay Wuxuu mareeykanku sheegay in uu ku dilay 6 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana uu ku bur-buriyay hal gaari.

“Wali waxaa naga go’an in Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya, Ciidamadeeda, iyo Saaxabiis ku taageerno Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab” ayuu yiri Gen. Gergg Olson oo ah Agaasimaha Howlgaladda Mareeykanka ee Qaaradda Africa.

Horrantii Todobaadkaan ayaa waxaa soo baxay War sheegaya in Mareeykan ku uu doonayo in uu yareeyo Ciidanka Ka jooga Soomaaliya iyo duqaymaha uu la beegsado Al-shabaab.

Hase ahaatee Gaashaan-dhigga Mareeykanka ayaa Waxaa uu beeniyay in ay warkaas wauxuuna sheegay in aysan waxab aiska badali doonin Howlgalka MAreeykanka e Soomaaliya.