Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo kasoo baxay hawlgalka Mareykanka ee afrika ayaa lagu sheegay in duqaymo 26’kii Bishaan ay ka fuliyeen Buuraha Golis ee gobolka Bari ay ku dileen Seddax kamid ah dagaalamyaasha Daacish.
Mareykanka ayaa sheegay in hawlgalka oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Faderalka in ay ku bartilmaamed sadeen xubno ka tirsan Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo ay Mareykanku bishaan gudeheeda ay ka fuliyaan gobolka Bari, iyagoo ku baacsanaya dagaalamayaasha Daacish, waxaana 14’kii bishan April duqeyn ka dhacday gobolka Bari ay ku dileen Hogaamiye ku xigeenkii Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya.
Ugu danbayn warka qoraalka ah ee kasoo baxay hawlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay sii wadida hawlgalkooda si ay Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM uga gacan siiyaan amni kusoo dabaalida guud ahaan dalka Soomaaliya.