Somali News

Mareykanka: Iran kuma lug lahayn weerarkii saldhigga Lamu ee Manda Bay

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen inuu jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya weerarkii Axadii Al-Shabab ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala dalka Kenya.

Qoraalka Africom waxaa  lagu sheegay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday inay dawlada Iran ku lug lahayn weerarkaas ka dhacay xerada Manda Bay oo ku taala degaanka Lamu.

“Iran marnaba kuma lug laha weerarkii Axadii Al-Shabab ku qaaday xerada ay degenyihiin ciidankeena iyo kuwa Kenya waxaana arrintaas ku ogaanay baaritaano la sameeyay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxayay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ka howlgala.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyay in weerarkii Al-Shabab ay 5,tii bishaan ku qaadeen xerada Manda Bay ay abaabushay dawlada Iran oo doonaysa in Maraykanka kaga aar gudado weerarkii Jimcihii lagu dilay sargaal sare oo Iran u dhashay.

Afhayeen u hadlay Al-Shabab ayaa sidoo kale beeniyay inay Iran ku gacan siisay weerarkii ay ku qaadeen xerada ay degenyihiin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenya.

Warkaan waxaa sidoo kale lagu beeniyay dadka weerarkaas ku geeriyooday uu ku jiray taliyihii ciidamada Maraykanka ee xerada General Stephen Townsend oo Al-Shabab sheegteen inay dileen.

Dhanka kale Qoraalkaan Maraykanka kasoo baxay waxaa sidoo kale lagu sheegay in la kordhiyay tirada ciidamada Maraykanka ah ee xerada la weeraray ka howlgala oo lagu daabulay ciidamo dheeraad ah.

Ujeedka ciidamada dheeraadka ah xerada loogu daabulay waxaa lagu sheegay inay ka qeyb qaataan sugida amniga iyo ka hor tagista weerar kale oo Al-Shabab kaga yimaada

Sidoo kale warbaahinta ayaa sheegtay in heegan la galiyay ciidamada Ingiriiska ah ee ku sugan dalka Kenya kuwaasoo ka feejigan weerar Al-Shabab kaga yimaada