Somali News

Mareykanka oo war kasoo saaray Khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble.

Washington-KNN-Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu Sarreysa dalka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Xuseen Rooble, kaas oo aan weli xal laga gaaray ayaa dowladda Mareykanka waxaa ay kasoo saartay War iyadoo Madaxdaasi ugu baaqday iney si deg deg ah u xaliyaan khilaafka ka dhex taagan islamarkaana ay u muhiim tahay in ay daadajiyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Magaalada Washington waxaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud  & Madaxda Mareykanka ayaa diirada lagu saaray qodobo la xiriira arrimaha Amniga & doorashooyinka, waxaana sigaar ah madaxdaasi ugu wada hadleen ka gudbida caqabadaha hortaagan dhameystirka doorashooyinka  Soomaaliya iyo xalinta khilaafka labada masuul ee ugu sarreysa dalka ee kala ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

War qoraal ah oo ku aadan kulankaasi oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa loogu sheegay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble in laga doonayo in ay dadajiyaan arrimaha doorashooyinka islamarkaana ay xaliyaan khilaafkooda kahor dhammaadka sannadkan 2021.

Khilaafka u dhaxeeya weli Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha uu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii NISA fAHAD YAASIIN kaas oo uu maalmo kadib madaxweyne Farmaajo uu isna u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, Sidoo kale weli dowlad Goboleedyada qaar ma aysan soo dhameestiran xubnihii kuraasta aqalka sare, halka kuwa qaarna ay soo dhameestireen, iyadoo uu dhawaan guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer federaal uu sheegay iney dhawaan dalka ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.