Somali News

Mareykanka oo war kasoo saartay heshiiskii Axmed Madoobe iyo xubnihii isbedel doonka

Muqdisho-KNN-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay dhinacyadii isku hayey siyaasadda Jubbaland ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 23-kii bishan.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku qeexay heshiiska Jubbaland “inuu billow u yahay wada-hadla dhex mara madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaamiyayaasha kale, si loo dhiso maamul metelaad leh.”

“Waxaan ku baaqeyntaa fulinta heshiiska iyo kusoo darista dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Jubbaland. Midnimada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay soo dhoweeyey dalalka kale ee beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubbaland August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubbaland.”

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday baaqeysa maamulka Jubbaland iyo hoggaanka dowladda federaalka “inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo.”