Somali News

Mareykanka oo xaqiijiyay in khasaaro uu ka soo gaaray weerarkii Lamu

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa si rasmi ah lagu faahfaahiyay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Lamuu.

Weerarkii Lamu ayaa waxaa ay mareykanka xaqiijiyeen in hal askari uu ku dhintay, halka labo lalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar lala beegsaday xarunta milatari

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashandhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaas.

”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii lamu waana soo qaban doonaa kuwii ka dambeeyey weerar kaas ayuu yiri”Taliyaha AFRICOM.