Uncategorized

Mareykanka oo xaqiijyay in 5 dagaalame oo ka tirsan Shabaab ay ku dilay Ceelbuur

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka howgalo Afrika ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen 5 dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, duqeyntaasi oo ka dhacday meel u dhow deegaanka Ceelbuur ee Gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

Hogaanka Militeriga Mareykanka ee Africa war qoraal ah oo ka soo baxay ayey ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya 1dii April ee Sanadkaan ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab,.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka howgalo Afrika ayaa tilmaamay in duqeyn taasi aysan wax khasaara ah ay ka soo gaarin dad shacab ah, isla markaana ay u dhacday sidii ay u qorsheeyeen.

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ay sii wadi doonaan howlgallada noocan ah islamarkaana dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab uu Mareykanka ka sii wadayo Soomaaliya.

Todobaadkan weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhacay degaanka Kaamjarroon ee Gobolka Jubada hoose ayaa lagu dilay dad rayid ah iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee howgallada kawada qaarada Afrika ayaa kor dhiyay weerarada duqeymaha ah ee ka geystaan qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya.