Somali News

Mareykanka oo xayiraad dhaqaale kusoo rogay muwaadiniin Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay dhowr qof oo Soomaali-Kenyan ah iyo qaar kale oo Soomaali ah, sababo la xiriira in ay taageeraan kooxaha loo yaqaano argagixisada.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegi doonto hantida dadkaas ay xayiraada saartay, iyadoo ka manuucday dadka Mareykanka in ay wax xiriir maaliyadeed ah la sameeyaan shaqsiyaadkaas.

Liiska dadka la xayiray ayaa waxaa ku jira Sheikh Xasan Xuseen Aadam oo ah nin caan ah, Waxaa sidoo kale ka mid ah Sheikh Xasan Cumar, Xasan Mahad Cumar iyo Xasan Mahad, dadkan ayaa dhammaantood ah Soomaali-Kenyan, waxaa kale oo liiskaan madow kasoo muuqday hay’adda Al-Xaramayn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa.

Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana dhammaan hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka la saaray xayiraad hadeyba jirto.