Somali News

Mareykanka oo yareynaya Duqeymaha uu ka fuliyo dalka.

Muqdisho-KNN-Militari-ga Mareykanka ayaa waxaa uu qorsheynayaa in uu yareeyo Doorkiisa Soomaaliya iyo duqaymaha ka dhan ka ah Al-shabaab, kadib markii uu xubno sare ka dilay ayey saraakiil mareykanka u sheegeen TV-ga NBC waana calaamaddii ugu dambeeysay ee muujineysa in maamulka Trump uu yareynayo Ciidankiisa dunida ka jooga.

Tilaabadaan ayaa waxay imaaneysaa kadib markii uu Mareeykanku qiimeeyn ku sameeyay in Al-shabaab ay wali Qatar ku yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Dalalka Dariska ah balse aysan khatar toos ah ku ahayn Mareeykanka, sida uu dabacay NBC oo soo xiganaya Saraakiil mareeykan ah oo hada shaqeeya iyo kuwo hore.

Saraakiil hore oo Mareeykan ah ayaa maamulk Trump waxaa ay ku eedeeyeen in uu abuurayo khatar u sahleeysa Al-qaacidda iyo ISIS in ay Weerro ku qaadaan Mareeykanka iyo dalalka reer Galbeedka.

War uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Difaaca Mareykanka Candice Tresch ayaa yiri “ ma jiro isbadal lagu sameeyay siyaasaddii  Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya. Waxaan sii wadeeynaa in aan taageerno Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya waxaana dii wadeeynaa in aan xaalufino Al-shabaab”.

TV-ga CBS ee warkaan qoraya waxaa uu sheegay in isbedalkaan qorsheeysan uu muujinaayo in military-ga Mareeykanku uu yareeynayo Howlgaladiisii argagixiso la dirirka Qaaradda Africa islamarkaana uu u weecanayo latalin sida Ruushka iyo Shiinuhu Sameeyaan.

Markii uu muddo xileedkiisu Biloowday ayaa Madaxweyne Donad Trump waxaa uu kordhiyay ciidankiisa jooga Soomaaliya waxaana uu kordhiyay duqaymaha cirka ah ee ka dhan ka ah Al-shabaab.

James Mattis oo ah xogyihii hore ee Difaaca Mareeykanka ayaa dhigay qorshaha Mareykanku uu ku yareeynayo howlgalkiisa Soomaaliya, sida uu sheegay Sarkaal sare oo si qarsoodi ah ula hadlay NBC .

Duqaymo aan kala go lahayn oo mareeykanku uu Soomaaliya ka geystay ayaa waxaa ay yareeyeen Weeraddii Al-shabaab.