Uncategorized

Mareykanka”Ciidamadeena ayaa qeyb ka ahaa Weerarkii Bariire”

Military-ga Mareeykanka ayaa Xaqiijiyay in ay Taagerayeen Ciidamo Soomaali ah oo Howlagal Argagixiso la Diriri ah ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose Halkas oo lagu  dilay Dad rayid ah oo Sadex ka mid ah ay Caruur yihiin, Ciidamada Mareykanku ayaa  sheegeen in ay baarayaan eedeeymaha ku aadan in Ciidamadoodu ay Qeeyb ka ahaayeen Rayid ka la xasuuqay.

 

Geeridaan Soo korortaya ayaa Su’aal galisay Howlagaladda ciidamadda Mareeykanku ay Soomaaliya ka Fuliyan oo horay u sababay Dimashadda Dad badan oo Rayid ah, Qasaaraha ka dhalanaya Howgaladda Ciidamadda Mareeykanka waxaa ay soo kordheen ka dib markii Madaxweeynaha Mareeykanku uu Meelmariyay in la baariyo Howlagaladda ka dhan ka ah Al-shabaab ee Soomaaliya iyadoo Hoos loo dhigayo Xeerka ilaalinaya Xuquuqda Dad ka Rayid ka ah ee ku nool Goobaha laga Fulinayo Howlagaladda Argagixiso la dirirka Mareeykanku ugu Magac daray.

 

“Waan ka Warqabnaa Waxyeeladda Dad ka Rayid ah kusoo gaartay Duleedka Bariirre, Edeeyn kasta oo ku aadan Waxyeladda shacab ka waxaan u qaadaneeynaa mid dhab ah,  sida caadiga ahna waxaan qiimeeyn kusameeyneynaa Xaaladda si loo ogado Xaqiiqada jirta” ayaa lagu yiri war uu soo saaray military0ga Mareeykanku.

 

Todobaad ka hor ayey ahayd markii howlagal Ciidamadda Mareeykanku ay kasameeyeen Gobolka Jubadda Dhexe ay ku dileen Todobo Ruux oo shaacab ah, oo waqtigii ay duqeentu dheceeysay uu gurigooda ku sugnaa Sargaal ka Tirsan Al-shabaab oo ay Xidid ahaayeen.