Somali News

Markab dagaal oo Iran lahayd oo gubtay

Tehran-KNN:Wasaaradda gaashaandhiga dalka Iran ayaa shaacisay in mid ka mid ah maraakiibteeda dagaalka uu ku degay meel u dhaw gacanka Hormus kadib markii uu dab qabsaday kadibna uu gubtay.

Markabka gubtay oo la yiraahdoo Khaarag ayaa ka mid ah maraakiibta dagaal ee Iran leedahay kuwooda ugu waa weyn waxaana uu ku gubtay meel u dhaw jasiirad ceelal shidaal ku yaalaa oo ku taala gacan biyoodka Hormus.

Illaa iyo 400 oo askari oo tababar ahaan u saarnaa markabkaan ayaa la badbaadshay hase ahaatee markabku quusay

Warbaahinta dalka Iran ayaa sheegtay in 20 askari ay soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaasoo loo qaaday xarumo caafimaad.

Lama oga waxa sababay dabka markabkaan qabsaday