Uncategorized

Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya oo ku xirtay Dekadda magaalada Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Markab ciidamada Kenya ay leeyihiin uu ku xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa Bilaabay in Hubka iyo Gaadiidka Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay ka rartaan magaalada Kismaayo,Maadaama Ciidamada Kenya ay  Wadaan Qorsho ay ugu baxayaan Deegaanada uu ka Arimiyo maamulka Jubbaland.

Wararka Ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in  Markabka uu ka baxay xalay Kismaayo,islamarkaana  uu ku sii Wajahanyahay  Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Saraakiil Ka Tirsan Jubbaland oo diiday in magaciisa  warbaahinta loo adeegsado ayaa idaacadda kulmiye u sheegay In ciidamada Kenya,ay bilaabeen sidii hubka  iyo gaadiidka ka yaala Deegaanada ka Tirsan Jubooyinka iyo Gedo ay ula bixi lahaayeen.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ku sugan meelo muhiim ah sidda Garoonka iyo sidoo kale Dekedda Magaalada Kismaayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Wadeen ciidamada Kenya dhaqdhaqaaqyo ay kaga baxayaan Saldhigyadda ay ku leeyihiin degaanada maamulka Jubbaland.

Horay Ciidamad Kenya  waxaa ay kaga baxeen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,kadib Markii ay weeraro kala kulmeen Dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.