Somali News

Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay oo lagu weeraray Badda cas

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Markab dagaal oo ay leeyihiin saacadihii la soo dhaafay lagu weeraray Badda Cas.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa ku dul dagey markabka oo ahaa nuuca dagaalka, wasaaradda Difaaca mareykanka ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo cida ay ku tuhmayaan.

Dhinaca kale, Dowladda Britian sheegtay in mariib kale oo ganacsi saacadihii la soo dhaadhaafay lagu weeraray diyaaradaha drone-ka ah, meel u dhacay dekedda woqooyiga Yemen ee Hodeidah.

Si kastaba ha ahaatee, falaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaadaya maraakiib maraya Badda Cas. Waxaana dhaqdhaaqyadan ay la xiriiraan dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israel.