Uncategorized

Markab wax bur buriya oo Shil ku galay Xeebaha Singapore

Muqdisho-KNN-Telefiehanka laga leeyahay maraykanka ee CNN ayaa baahiyay in markab nuuca wax bur buriya oo laga leeyahay Maraykanka uu shil Ku galay  Xeebaha Dalka Singapore kadib markii ay isku dhaceen Markab kale.

Toban badmaax ayaa la la’yahay shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray kuwaas oo la socday laba markab oo kala ah mid wax burburiya iyo mid waday shidaal oo marayay xeebta Singapore, sida ay sheegeen ciidammada badda ee Maraykanka.

Markabka dagaal ayaa xilliga uu shilka dhacayay marayay bariga xeebta Singapore, isaga oo kusoo xiran rabay dekadda weyn ee caasimadda dalkaasi.

Waxaa hadda socda baadi goob ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha helicopter-ka Maraykanka, doonyo uu leeyahay ciidanka badda ee Singapore, iyo weliba kuwo ay leedahay Malaysia.

  • Ciidamada badda ee maraykanka ayaa sheegay in uusan damin markabkooda sidoo kalane uusan wax qasaara ah soo gaarin balse markabkii shidaalka waday ayaa la sheegay in uu dhinac ka bur buray.