Uncategorized

Markabka dagaalka Ruushka oo lagu arkay meel u dhow UK iyo Wasaaradda Difaaca UK oo ka hadashay.

Muqdisho-KNN-Markabka dagaalka Britain ayaa dabagalay mid uu leeyahay Ruushka oo lagu arkay badda Waqooyiga UK, intii lagu gudajiray xilliga fasaxa ciidda masiixiyadda, sida ay shaaciyeen ciidammada badda ee boqortooyada.

Markabka dagaal ee HMS St Albans ayaa sheegay in “dhaqdhaqaaqa markabka Admiral Gorshkov uu ku soo dhowaaday danaha qaran”.

Markabka dagaalka Ruushka, oo ah nooc cusub oo haga madaafiicda, weli waxaa lagu hayaa dabagal, sida ay sheegeen warbaahinta Ruushka.

Ciidammada boqortooyada ayaa sheegay in dhowaanahay “ay sare u sii kacayeen ciidamada Ruushka ee u soo tallaaba dhanka biyaha UK”.

Sidee loo dabagalay markabka Ruushka?

Markabka dagaal ee boqortooyada ee loo garanayo HMS St Albans ayaa sabtidii loo diray “in uu dusha kala socdo markabka dagaal ee cusub ee laga leeyahay Ruushka, Admiral Gorshkov, kaas oo marayay meel aad ugu dhow biyaha UK”, sida ciidammada Britain ay sheegeen.

Wasaaradda difaaca ee Britain ayaa soo saartay sawirka ciidammada markanka HMS St Albans intii uu socday howlgalka dabagalka.

Markabka dagaal ee Britain ayaa badda gudaheeda ku sii nagaaday, wuxuuna la socday dhaqdhaqqaq midka Ruushka, maanta ayaana la filayaa in uu dib ugu noqdo saldhiggiisa.

“Kama waabanayo difaaca baddeena, mana u dulqaadanayo gardarro,” ayuu yiri xoghayaha difaaca Britain, Gavin Williamson.

“Britain weligeed laguma cabsigelin karo difaaca dalkeeda, dadkeeda iyo daneheeda qaran.”

Dhaqdhaqaaqyada kale ee labada dal ay ku lug lahaayeen:

HMS Tyne, oo ah markab roondo sameeyo ayaa loo diray in uu dabagal ku sameeyo markab sirta aruuriyo oo Ruushka uu leeyahay. Waxaa lagu arkay markabkaasi xeebaha dhanka Waqooyiga ee Britain.

Axaddii, Britain waxay dirtay diyaarad dagaal oo eegeysay waxa ay sameynayaan laba markab oo Ruushka laga leeyahay.

Bishii January ee horraantii sannadkan, markab dagaal oo Britan leedahay iyo diyaaradeheeda dagaalka waxay ceyriyeen markabka xambaara diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa kale oo ku soo dhowaaday biyaha UK.

Muxuu markabka dagaal ee Ruushka ka hayay badda Waqooyiga?

Markabka Admiral Gorshkov, waa noocii ugu horeeyay ee dagaal oo shaqooyiin badan qaban kara, welina wuxuu ku gudajiraa dhameystirka tijaaabada gantaallada, ka hor inta uusan billaabin howlihiisa ciidammada badda ee Ruushka, sida ay sheegeen warbaahinta Ruushka.

Waxaa lagu warramay in si joogto ah uu ugu kala safrayay inta u dhexeyso xeebaha Ruushka iyo badda Baltic-gga.

Wararka hadda ee ah in uu Britain ku soo dhowaaday, maysan caddeyn halka uu ku wajahnaa Markabkaasi.

Maraakiibka Ruushka waxay adeegsadaan biyaha caalamiga ah ee badda Waqooyiga, iyagoo ku sii socda ama ka soo noqday Mediterranean-ka, waxayna ka howlgalaan Suuriya.

Maxay UK uga walaacsan tahay xarigga badda hoosteeda?

Xiriirka Britain iyo Ruushka ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Moscow ay goosatay jasiiradda Crimea ee Ukrain ka tirsaneyd, 2014-kii wixii ka horreeyay.

Madaxa shaqaalaha difaaca ee Britan, Sir Stuart Peach, ayaa horraantii bishan sheegay in Britain iyo NATO ay u baahan yihiin in ay muhiimad siiyaan difaaca qadadkooda xiriirka.

Wuxuu sheegay in ay suuragal tahay “in si dhaqso ah oo dhibaato macquul ah” ay noqoto arrinta, taas oo saameyn dhaqaale yeelato, haddii la jaro ama la carqaladeeyo.

fiilooyiinka internet-ka oo salka badda mara waxay isku xiraan dalal iyo qaarado.

Xigasho BBC