Somali News

Markale dagaal culus oo ka bilaawday Xafadda Jaamaadda Ee Guriceel.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in galabta uu dagaal culus ka bilaawday xaafadda Jaamacada ee magaaladaas, waxaana la maqlaya daryanka madaafiic culus.

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Guriceel ayaa sheegay in ay xireen dhamaan marinadii Ahlusunna gurmadka uga imaan jiray, sidoo kalane ay marsiin jireen dhaawacyadooda.

Dagaalka maanta socda ayaa qayb ka ah howlgalada Milateri ee qaatay maalintii 4-aad, kuwaas oo ka socdo Guriceel.

Dagaalka Ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo saacado kahor Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu warbaahinta lahadlay,isagoona sheegay in maamulka galmudug ay ladagaallamayaan cid kasto oo kahor timaada jiritaanka Maamulka Galmudug.