Muqdisho-KNN-Haweeneydaan u dhalatay dalka Jarmalka laguna magacaabo Ursula von der Leyen ayaa loo doortay madaxweynaha gudiga Midowga Yurub kadib markii xubaha gudiga ay si qarsoodi ah u codeeyeen.
Wasiirka difaaca Jarmalka ee oo ka tirsaneyd Xisbiga midigta dhexe ee dalka Jarmalka ayaa badali doonta kowda bisha November gudoomiyaha gudiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker.
Waxay heshay in ka badan kala bar codadka xubnaha baarlamanaka midowga Yurub iyadoo codeyntu ay u dhacday qaab qarsoodi ah.
Gudiga ay hogaamin doonto ayaa dajiya sharciyada Midowga Yurub wuxuuna leeyahay awood tallaabooyin looga qaado wadamada xubnaha ka ah hadii ay qaladaad dhacaan .