Sports

Marouane Fellaini: “Waan ogahay tayadeyda”

Muqdisho-KNN-Marouane Fellaini ayaa sheegay in uu rajeynayay in goolka guusha uu ka dhlinayo Arsenal iyadoo ay dhacday in uu sidaasi sameeyo 3 dax dhibicna siiyay kooxdiisa Manchester United.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ku soo laabtay Red Devils isagoo kasoo kabsaday  dhaawac soo gaaray kulankii ay 2-1 kaga badiyeen xalay garoonka Old Trafford kooxda Arsenal, wax yar ka dib markii uu ku dhuftay kubada cagta.

Fellaini, oo ah bartilmaameedka joogtada ah ee lagu dhaleeceynayo Untd tan iyo markii uu yimid kooxda intii uu joogay macalinkii hore Untd David Moyes, ayaa ku faraxsan inuu gool dhaliyo ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii ​​shanaad ee xilli ciyaareedkan.

“Tababaraha ayaa ii sheegay inaan tago sanduuqa goosha Arsenal haddii aan heysto inaan isku dheelo khadka dhexe iyo weerarka,” ayuu u sheegay Sky Sports News. “Waan ogahay tayadeyda, waxaan noqon karaa khatar haddii kubada imaado halkaas anigoo joogo sanduuqa, waa u fiicanthy aniga iyo kooxdeeda.”

Fellaini ayaa qarka u saaran inuu arko qandaraaskiisa United oo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo lix  kooxood la sheegay inay sugayaan inay u tartamaan helida adeegiisa.

QalinkiiAadam Aqyaar