Somali News

Marwada madaxweynaha Mareykanka oo lagu dhaliilay Ereyo ku qornaa dharkeeda xili ay booqaneysay Caruur Muhaajiriin ah

Muqdisho-KNN-Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xirneed mar ay booqaneysay carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla gobolka Texas.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay “dan iyo muraad kama lihi ee adiguna”?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad, waxaana ereyadaas loo fasirtay in ay ula jeedo Caruurta Muhaajiriinta ah dan iyo Muraad kama lihi.

Waxaana qaar ka mid ah majaladaha caalamka ka soo baxa iyo Baraha bulshadaba aad loogu dhaliilay Marwada madaxweyne trump.