Uncategorized

Marxuum Dr Maxamed Jaamac oo lagu aasay Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN–Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalk,  kuwa Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka, dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaanada Puntland ayaa maanta ka qaybgalay Aaaska Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad oo  lagu aasay Magaalada Galkacyo.

Allaha u naxariistee Dr Maxamed Jaamac Salaad ayaa ku dhintay Dalka Talyaaniga Sideedii Bishan waxaana Maanta Mayedkiisa laga soo dajiyey Garoonta Diyaaraha Aadan Cadde. inta aan loo qaadin Magaalada Gaalkacyo oo Maanta lagu aasay.

Dr Maxmed Salaad ayaa horay u soo noqday Agaasimaha Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Gaheyr.

Alle ha u Naxariistee Dr Maxamed Jamaac waxaa uu ku dhintay Da,da 74 Sano isagoona Waxbarashadiisa inta badan ku qaatay Dalka Talyaaniga.