Somali News

Masar oo hambalyada 1-da luulyo u soo dirtay Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dalka Masar, C/fitaax Aziizi, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luuliyo la wadaagay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xogahayaha madaxtooyada Dalka Masar, Axmed Maxamed Ihaab, oo dhambaalkan ka siday Madaxweyne Aziizi, ayaa waxa uu la wadaagay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir Walaaltinimo oo soo jireen iyo mid iskaashi oo dhinacyo badan leh.