Somali News

Masar oo Macallin lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Nebiga tallaabo ka qaaday

Barafasoor maaddada cilmiga bulshada ka dhiga jaamacad ku taalla magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii la sheegay in uu aflaagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH).

Xilli uu fikirkiisa ka dhiibanayay Kaartoonkii muranka dhaliyay ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo ayaa macalinkan la sheegay in uu u gefay Nebiga (NNKH).

Ardeydii uu wax u dhigayay ayaa sheegay in uu Maxammed Mahdali hadalkiisa uu ahaa mid aflagaado ah islamarkana waxay gudbiyeen cabasho.

Ninkan Barafasoorka ah ayaa raalgalin ka bixiyay hadalka ka soo yeeray.

Wasiirka waxbarshada saree e dalka Masar ayaa shaqada ka joojiyay Dr Mahdali islamarkana waxaa uu amray in baaritaan degdeg ah la sameeyo.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli muran iyo dibadbaxyo ay ka dhasheen hadal ka soo yeeray madaxwaynaha Faransiiska kaasi oo la sheegay in uu ugu gefay Diinta Islaamka iyo Nebiga (NNKH)

Wadamo badan ayay ganacsatadooda ku dhawaaqeen inay joojiyeen iibinta badeecooyiinak faransiiska.

Waxay sidoo kale hadalka ka soo yeeray madaxwaynaha Faransiiska si kulul uga jawaabay madaxwaynaha Turkiga ilaa ay gaarto in Faransiiska ay u yeertaan safiikii u fadhiyay dalka Turkiga.

Qaar badan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa waxaa laga dhigay dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxawaynaha iyo dowladda faransiiska.