Sports

Masii joogi doonaa PSG ciyaaryahan Adrien Rabiot?

Muqdisho–KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda PSG sida aadka loo doondoonayay ciyaaryahan Rabiot ayaa xalay bandhig wanaagsan kulahaa kulankii kooxdiisa.

Thomas Tuchel ayaan hubin mustaqbalka Adrien Rabiot ee kooxda Paris Saint-Germain isagoo sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu diiday heshiis cusub.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, oo diiday inuu ka mid noqdo liiska xulkiisa ee Koobka Adduunka, ayaa dhaliyay goolkii labaad ee kulankii ay 3-0 kaga badiyeen xly kooxda Caen.

Laakiin Rabiot ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda heysata horyaalka LaLiga ee Barcelona, ​​kulanki xalay ee Parc des Princes ayaa noqon kara kulankiisii ​​ugu dambeeyey ee PSG.

Tuchel ayaa rajeynaya inuu Rabiot ka dhigo kooxda 1aad, lakiin waxa uu u sheegay Canal Plus: “Ma hubo inuu sii joogi doono, waxaan doonayaa inuu joogo, lakiin waxa ay ku xiran tahay go’aankiisa”.

“Waxaan heystaa awood wwayn, waan sii wanaajin karaa xitaa siin karaa boos joogto ah, waxaan ka dhigi karaa ciyaaryahan sarre laakiin waa inuu nala joogaa.”

Inkastoo Rabiot laga yaabo inuu ka tago PSG, kooxdu waxa ay u dhaqaaqi kartaa ciyaaryahan Thilo Kehrer, iyadoo Schalke ay xaqiijisay in 21 jirkaan uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Tuchel ee PSG.