Muqdisho-KNN-Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus ee Falastiin ayaa dib loo furay kadib muddo 2 bilood ah oo uu u xirnaa sababo la xariira cabsi laga qabo inuu degaanka ku faafo xanuunka dillaaga ah ee Karoono.
Boqolaal ruux ayaa salaado sunno ah ku tukaday maanta masjidka markii ugu horeysay muddo 2 bilood ah waxaana maamulka masjidku sheegeen in hadda kadib si caadi ah u furnaan doono.
Maamulaha masjidka Al-Aqsa Sh Cumar Kiswani ayaa dadka magaalada Qudus uga mahadceliyay sida ay u dulqaateen maalmihii uu masjidku xirnaa. Masjidka Aqsa waa masjidka sadexaad ee ugu weyn Muslimiinta caalamka marka laga reebo labada masjid ee Maka iyo Madiino waana halkii lasii mariyay markii samada loo dheelmiyay Nabigeena Muxamed NNKH.
Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa waxa ay muujinayeen, masjidka oo dib loo furayo
