Somali News

Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada dhexe oo caawa lagu dilay Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in koox hubeysan ay bambo gacmeed ku tuurern hoyga uu Jowhar ka degan yahay guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada dhexe.

Alle ha u naxariistee guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobalka Shabeelada Dhexe Maxumed Sugaal Cusmaan iyo wiilkiisa ayaa goordhow ku dhintay Bam gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha oo ku yaala xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Ciidamada Amniga ayaa caawa baaritaano ka wada xaafadaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellada dhexe