Uncategorized

Mas`uul ka tirsan NISA oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax lagu xeray Gaari nuuca la yiraahdo PREMIO ayaa wuxuu ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, qaraxaas waxaa ku dhaawacmay, laba ruux oo mid ka mid ah lagu sheegay in uu yahay taliye ku xigeynka ciidamada Nabad sugida ee degmada Waaberi.

Dadka deegaanka ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in gaariga qarxay  uu muddo daqiiqado ah yaalay dhinaca wada, lagana shakiyay markii loogu yeeray ciidamada amaankana uu qarxay  inta aysan baarin Gaariga ciidamada.

Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta soo gaaray halkaasina ka sameeyay howlgalo lagu daba joogo dadkii falkaasi geystay.