Hargeysa-KNN-Maxkamada gobalka Maroodi Jeex ayaa waxaa ay saaka xukun ku riday gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq dhamme, waxaana lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.
Guddoomiyaha ayaa mudo 50 Maalmood ah ku xirnaa Xabsiga Magalada Hargeysa,waxaana lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,iyada oo Maxkamada Magalada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay 6 Bilood oo Xabsi ah.
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay Xukunka maxkamadda ay Maanta ku riday gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq dhamme,waxaana mas’uuliyiinta Xisbiga Wadani ay isku dayayaan in damaanad ay ku siidaayaan mas’uulkaas.
Xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa badanaa waxaa lagu eedeeyaa in ay ku xadgudubto xuriyada hadalka, taasina waxaa walaac ka muujiyay ururada u dooda xuquuqul insaanka.