Somali News

Masuul xilkii looga qaaday fidinta diinta Kirishtaanka

Hargeysa-KNN-Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xilkii ka qaaday, Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland  Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, kadib markii qaar kamid ah dugsiyada Somaliland ardayda loogu dhigay, casharro ka baxsan Manhajka Somaliland, kuwaasi oo ku saabsan diinta kiristaanka.

Xilka qaadista Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa timid  xilli eedeymo cuslus loo soo jeediyay Agaasimahan xilka laga qaaday,  kuwaasi oo ay kamid yihiin in uu hirgaliyay casharro diinta Islaamka ka hor imaanaya.

Agaasimahan xilka laga qaaday ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland Agaasime ka ahaa mudo 25 sano ah.

Wasiirka Waxbarashada ayaa waxa uu sheegay in Agaasimahan uu xilka ka qaaday, uu mari doono sharciga, si tallaabo looga