Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ay soo weerareen Al-shabaab.
Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee shalay fashiliyay weerarkii halkaasi ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.