Uncategorized

Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna oo lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb–KNN–Wararka ka imaanaya Magaalada  dhuusaamareb Ee Gobolka Galgaduud oo hadda ah xarunta Maamulka Ahlusunna ayaa sheegaya in Ciidamo hubeysan oo ku labisan diriiska milatariga ay saakay xoog ku galeen Guriga dagmada kuwaa oo xabsiga dhigey mas’uuliyiin Maamulka ka tirsan oo uu kamid yahay xoghayihii dagmada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Gudoomiyihii dagmada Macalin Nuur Cilmi uu u baxsadey dhanka Dagmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan si uu uga badbaado Ciidamadaan ka gadoodsan wax isdaba marin lagu sameeyey raashin laga bixiyey dagmada sida la sheegay.

Saraakiisha Maamulka Ahlusunna weli wax war ah kama soo saarin Xariga loo geystay Mas’uuliyiinta Maamulka ka tirsan iyo Ciidamada Gadoodsan ee Magaalada Dhuusamareeb Qalqalka geliyay