Somali News

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug & Jubbalanad oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay arrimaha doorashada

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo dhigiisa Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa ay kulan wadajir ah la qaateen Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ee Laga Soo kala doortay dowlad goboleedyadaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa waxgarad iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Maamulada Galmudug iyo Jubbalanad, iyadoo kulanka la is kaga xog wareystay marxaladda dooraahooyinka dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dalka loo dooro hoggaan u horseeda nabad iyo xasilooni.

Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Siyad Aadan oo kulanka shir guddoon ka ahaa Waxaa ay marka hore Xildhibaanada ku boggaadiyeen doorkooda ku aadan arrimaha doorashooyinka, iyagoo ugu baaqay inay halkaa kasii wadaan oo ay dadka iyo dalka ugu adeegaan si hufnaan ay ku jirto.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlayay xoojinta midnimada iyo wadashaqeynta mudaneyaasha labada aqal ee kasoo kala jeeda labada maamul, waxaana sidoo kale hambalyo loo jeediyay mudaneyaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ee kusoo baxay doorashooyinkii ka dhacay labada maamul.

Kulankaan wadajir ah ay yeesheen Madaxweyne ku xigeenka Jubbalanad, Kan Galmudug iyo Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda labada maamul ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay ku kulmaan, balse wuxuu kusoo aadayaa, xili si weyn loo wada sugayo doorashada Madaxtinimo ama tan Madaxweynaha Soomaaliya taas oo la filayo in 15-ka May oo beri ah ah la qabto, iyadoo ay u taagan yihiin Musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.