Somali News

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo saakay gaaray Buundada Ceel gaal ee Hiiraan

Beledweyne-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiran ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle ay Saakay gaareen Buundada Ceel gaal ee Gobalka Hiiraan.

Buundada Ceel Gaal ayaa dhawaan bur burtay, kadib markii uu saameyn ku yeeshay daadadka  roobkii ka da’ay Deegaano ka tiran Gobalka Hiiraan.

Masuuliyiinta saakay  tagay Buundada Ceel Gaal ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha degmada Beledweyne iyo xubno kale.

Sababta ay u tageen Buundada Deegaanka Ceel Gaal ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u qiimeyn ugu sameeyn lahaayeen halka ay ka go’day Buundada iyo dayactirka ka socda Buundadaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu la hadlo warbaahinta, isagoona faahfaahin ka bixi doono qorsha ay maamulka Hirshaabelle ka damacsan yihiin Buundadan iyo tilaabada xigta ay qaadi doonaan, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Gobalka Hiiraan Cusmaan Aadan Careys.