Uncategorized

Mas`uuliyiin ka tirsanay maamulka dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xilkooda kuwaayay rabshado dhacay

Jigjiga-KNN-Maalmihii ee la soo dhaafay ayaa dibadbaxyo looga soo hirjeedo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay ka dhacayeen deegano kamid ah kuwa uu ka arimiyo maamulkaasi.

Deegaanada ugu badan ee dibadbaxyada ay ka dhaceyn ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shiniile la yiraahdo.

Wargeyska laga leeyahay dalka Itoobiya ee la yiraahdo Addis Standard ayaa qoray in madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeynkii maamulkaas C/Kariin Cigale kuna badalay booskaasi Xamdi Aadan Cabdi oo sida la sheegay ka soo jeeda Deegaanka Shiniile ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xamdi oo lagu badalay madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday ayaa ah sidoo kale wasirka caafimaadka ee ismaamulkaasi.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in sababta looga qaday madaxweyne ku xigeenka ay tahay in laga baqay in ay kordhaan dhibaatooyinka ka taagan deegaankaasi Shiniile ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka Idaacad Kulmiye ay ka heleyso dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shegaya in ay jraan deegano kale oo wali ay ka socdaan dibadbaxyada oo laga baqayo in ay sii kordhaan.

Madaxweynaha Ismaamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dedaal uu ku joojinayo dibad baxdyada looga soo horjeedo maamulkiisa.