Waxaa socda dadaalo lagu daminaayo xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd dagmada Buula-barde ee gobolka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamada amniga ee magaaladaas iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Xiisadan ayaa salka ku heysa kadib markii xabsiga dhaxe ee dagmada Buulla-barde la dhigay dhalinyaro lagu eedeyay inay weerareen Saldhiga Booliska degmada Buulo-Burde.waxaa uuna falkan sabab u noqday cabsi iyo qal amni oo laga dareemay gudaha magaaladaasi.
Maleeshiyaad hubeysan kana soo horjeeda xariga dhalinyradan ayaa isku aruursaday hareeraha iyo gudaha degmda iyagoona dhowr mar isku dayey in si xoog ah ay kusoo furtaan raga xiran wxaana jirtay baqdin dadka deegan ah oo ah in ay gacanta iskula tagaan ciidamada amniga iyo maleeshiyadan.
Odayaasha dhaqanka ee dagmada Buulla-barde ayaa wadda daminta xiisadan labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka taagneyd dagmadaas. waxgaradka ayaa la tilmaamay in si gaar gaar ah ay ula kulmeen dhinacyadan iyadoona ka shqeenaya isu soo dhawaanshaha dhinacyada hubeysan ee magaallada kuwada sugan.
Sidoo kale magaalada ayaa waxaa lafilayaa in ay gaaraan Wasiiro iyo xilibaano katirsan maamulka hirshbelle si ay qeyb ugu noqdaan joojinta xiisadan.
Wafdigan waxaa hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Hir-shabeelle Xasan Cali Cabdulle. Waxaana qeyb ka ah odayaal dhaqameed iyo Waxgarad, iyada oo la filayo inay kulamo kala duwan la qaataan Maamulka degmada iyo Odayaasha & waxgaradka si xal looga gaaro xiisaddan.
Maleeshiyaadkan hubeysan ayaa xilli dambe oo habeen ah waxaa ay weerareen sladhiga booliska ee dagmada BuulIo-barde iyadoona aan la ogeyn sababta rasiga ah ee ka dambeysay weerarkan. Booliska ayaa dad u xiray falkan kaas oo markii dambe sababay shaqaqada wayadan ka taagneyd degmadaas.


