Muqdisho-KNN-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa xakun ku riday masuuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne, hayeeshee mudooyinkii dambe ay socotay dhageysiga dacwadooda.
Mas’uuliyiinta musuq maasuqa lagu eedeeyay ee xukunka lagu riday ayaa waxaa ka mid ah Maamulihii hore ee Furdada dekadda muqdisho Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey oo gaaraya 8 Xubnood.
Maamulihii hore ee Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey ayaa mid kiiba waxaa lagu xukumay min Saddex sano oo Xabsi ah, halka la sii daayay 2 kale oo ay ka mid tahay Haweeney ku xigeen ka aheyd waaxda Canshuuraha ee dekada Muqdisho sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir muuse macalim cabduullaahi.
Mas’uuliyiintan xukunka lagu riday ayaa noqanaya mas’uuliyiintii ugu horeysay oo Maxkamada Gobolka Banaadir oo ay xukun ku rido, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq.


